Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gaaray magaalada Beledweyne. Booqashada wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda lagu xusayo sannad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Munaasabaddan ayaa ah mid si weyn loogu maamuusayo halgankii gobannimo-doonka shacabka reer Jabuuti, iyadoo sidoo kale lagu muujinayo xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda si wadajir ah ula dabaaldegaya ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal, kuwaas oo muddo dheer door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya. Ciidamadan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana lagu amaanaa kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin la dagaallanka kooxaha argagixisada, taageeridda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.
Inta ay wafdigu ku sugan yihiin Beledweyne, waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabado iyo kulammo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale la bogaadin doono kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabadeynta, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Cali Maxamed Xagaa; Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Cismaan Dubbad; iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Booqashadan ayaa muujinaysa heerka sare ee xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan xoojinta nabadda, amniga, horumarka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadidda xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta danaha guud ee labada shacab