Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Oo Bogaadiyay Doorka Booliska Soomaaliyeed Ee Sugidda Amniga

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si loo qiimeeyo heerka diyaar-garowga ee la xiriira qabanqaabada munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddiga Qaranka uu ku xaqiijinayo in dhammaan hay’adaha amniga ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sugidda amniga iyo habsami u socodka xusaska Maalmaha Xorriyadda, kuwaas oo sannad kasta si weyn looga xuso guud ahaan dalka.

Xubnaha Guddiga Qaranka ayaa intii ay ku sugnaayeen taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa halkaas kusoo dhaweeyay saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Booliska, kuwaas oo faahfaahin ka siiyay heerka diyaar-garowga ciidanka, qorshayaasha sugidda amniga, iyo meelaha muhiimka ah ee lagu xoojinayo ilaalinta nabadgelyada inta lagu jiro munaasabadaha qaran.

Guddigu ayaa si wadajir ah u bogaadiyey dadaalka, feejignaanta iyo diyaar-garowga sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in boolisku uu door muuqda ka qaato ilaalinta amniga shacabka, gaar ahaan xilliyada munaasabadaha qaran ee muhiimka ah.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee sugidda amniga gudaha dalka, isla markaana laga doonayo in ay sii xoojiyaan feejignaanta iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin bulshada iyo hay’adaha kale ee amniga.

Ugu dambeyn, Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa ku boorriyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, si munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ay ugu dhacaan si nabdoon, habsami leh, loona xoojiyo sumcadda iyo haybadda qarannimada Soomaaliyeed.