Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Adkeeyay Doorka Soomaaliya Ee Amniga Badaha Madasha Dubrovnik

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo lagu qabtay Madasha Dubrovnik, taas oo cinwaankeedu ahaa “Silsiladaha Sahayda iyo Ganacsiga oo Wajahaya Caqabado iyo Amniga Badaha oo Maraya Heer Xasaasi ah.”

Madashan caalamiga ah ayaa isugu keentay masuuliyiin sare oo ka socday dowlado kala duwan, diblomaasiyiin, iyo khubaro caalami ah oo dhinacyada ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday saameynta isbeddellada juqraafiyeed iyo siyaasadeed (geopolitics) ay ku leeyihiin amniga badaha, adkeysiga silsiladaha sahayda, amniga tamarta, iyo socodka ganacsiga caalamiga ah.

Intii ay socotay doodda, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa si cad u muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo sugo amniga badaha iyo bad-qabka marin-biyoodka caalamiga ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda maraakiibta isticmaasha marinada badda, si ganacsiga caalamiga ahi uu ugu socdo si hufan oo aan hakad lahayn.

Wasiirku wuxuu sidoo kale iftiimiyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka caalamiga ah, gaar ahaan maadaama dalka uu ku yaallo meel muhiim u ah isku socodka ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah. Waxa uu xusay in amniga badaha uu si toos ah u saameynayo dhaqaalaha caalamka, sidaas darteedna loo baahan yahay iskaashi joogto ah oo caalami ah si looga hortago khataraha iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay door firfircoon ka qaadaneyso dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga badaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhammaan saaxiibada caalamka si loo adkeeyo xasilloonida iyo badqabka marinada badda.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Dubrovnik ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada badan (multilateral cooperation) iyo ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo nabad, amni, iyo horumar dhaqaale oo waara oo caalami ah.