Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulan muhiim ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Mudane Qu Dongyu, iyadoo kulankaasi uu ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo FAO.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha la xiriira sugnaanta cunnada, horumarinta wax-soo-saarka beeraha, iyo xoojinta nidaamyada wax soo saarka gudaha ee dalka, si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda loona dhiso dhaqaale waara oo ku saleysan wax-soo-saarka dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda, kuwaas oo si toos ah u saameeya nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray baahida loo qabo in la xoojiyo barnaamijyada adkeysiga bulshada, maareynta biyaha, iyo horumarinta nidaamyada waraabka si loo yareeyo nuglaanta bulshada ee musiibooyinka dabiiciga ah.
Wasiir Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulanka ku adkeeyay in sugnaanta cunnadu ay tahay mudnaan qaran oo si cad uga mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka go’an tahay in la dardargeliyo siyaasadaha lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha iyo maalgashiga beeraha.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo taageerada farsamo ee FAO ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada cilmi-baarista, xog uruurinta, iyo horumarinta nidaamyada la dagaallanka gaajada. Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo dowladda Soomaaliyeed maamulka iyo hoggaaminta mashruuca FSNAU, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha qaranka loona gaaro isku filnaansho xogeed iyo mid maamul.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee FAO, Qu Dongyu, ayaa xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada beeraha, biyaha, waraabka, iyo horumarinta adkeysiga bulshada. Waxa uu xusay in FAO ay sii wadi doonto iskaashiga dhow ee ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumar waara iyo sugnaanta cunnada.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo sii xoojinaya xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo FAO, isla markaana ka qayb qaadanaya dadaallada lagu horumarinayo sugnaanta cunnada, yareynta saboolnimada, iyo dhismaha nidaamyo dhaqaale oo adkeysi leh oo dalka ka hanaqaada.