Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Daah-furay Imtixaannada Shahaadiga Ah Ee 2026

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare ee dalka Maamulka Somaliland, xaflad lagu qabtay Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee caasimadda Hargeysa.

Imtixaannadan shahaadiga ah oo sannad kasta lagu qiimeeyo heerka aqooneed ee ardayda dalka, ayaa ah kuwa muhiim u ah xaqiijinta tayada iyo hufnaanta nidaamka waxbarashada Maamulka Somaliland, iyadoo lagu cabbiro heerka fahamka iyo aqoonta ay ardaydu soo barteen muddadii waxbarasho ee ay ku jireen.

Sannadkan 2026-ka, waxaa imtixaannada u fariistay arday tiradoodu gaareyso (42,519), taas oo lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ee abid u fariisata imtixaannada shahaadiga ah ee Maamulka Somaliland, taasoo muujinaysa kororka iyo horumarka ay ku tallaabsatay waxbarashada dalka.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa u diray hambalyo iyo dhiirrigelin dhammaan ardayda maanta u fariisatay imtixaannada, isagoo u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya dadaalkooda, kartidooda iyo waqtiga dheer ee ay ku soo bixiyeen barashada aqoonta.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay ardayda inay si kalsooni iyo deggenaan leh u gutaan imtixaannada, isagoo xusay in waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Xafiiska Imtixaannada Qaranka, Ciidamada Booliska, macallimiinta iyo dhammaan shaqaalaha ka qayb qaatay diyaarinta, sugidda iyo qabsoomidda imtixaannada shahaadiga ah, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo sida ay u xaqiijiyeen in imtixaannadu u dhacaan si hufan oo ammaan ah.