Wasiir Fiqi iyo Wafdigii Dowladda Federaalka oo Ka Dhoofay Garoonka Beledweyne

Wasiir Fiqi iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho, kadib booqasho ay ku joogeen gobolka Hiiraan.

Safarka wafdiga ayaa yimid xilli saacadihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay warar sheegayay in dib u dhac ama caqabado ay ku yimaadeen bixitaankooda, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya sababta keentay hadal-heyntaasi.

Intii ay ku sugnaayeen Beledweyne, wafdiga Dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusay maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu muujiyay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo masuuliyiintii ka hadlay ay bogaadiyeen doorka ay Jabuuti ka qaadatay taageerada nabadda, dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in wafdiga uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Muqdisho, iyadoo aan weli Dowladda Federaalka wax war rasmi ah kasoo saarin wararkii la xiriiray dib u dhaca la sheegay inuu ku yimid safarkooda. Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo marka wafdigu gaaro caasimadda.