Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero cusub oo ay yeelanayaan Ciidanka Hay’adda NISA, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo sugidda nabadgelyada deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo bogaadiyay dhismaha xeradan cusub, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo sare u qaadaysa tayada howlaha amniga iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.
Taliyaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo safar shaqo ku jooga magaalada Cabudwaaq, ayaa intii uu halkaas ku sugnaa kulamo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga shacabka iyo hay’adaha amniga, dardargelinta howlaha lagu sugayo amniga, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa nabadda deegaannada waqooyiga Galgaduud.
Masuuliyiintii kulamada ka qeyb gashay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasillooni waarta, loogana hortago falalka amniga lidka ku ah. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dhismaha xerada cusub ee NISA, iyagoo xusay inay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta howlaha sirdoonka iyo sugidda amniga.
Dhismaha xeradan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo kaabeyaasha amniga, laguna ballaarinayo xarumaha ciidamada ee gobollada dalka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.