Maareeyaha Guud ee NIRA oo Furay Aqoon-isweydaarsi ku Saabsan Isku Xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Dadweynaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsiga Guddiga Isku Xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Dadweynaha, kaas oo lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay hay’adaha dowladda, khubaro iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta adeegyada dadweynaha iyo hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan casri ah oo mideeya aqoonsiga muwaadiniinta iyo adeeg-bixinta.

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa sheegay in isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada dadweynaha uu yahay tiir muhiim u ah casriyeynta maamulka dowladda, kor u qaadidda hufnaanta adeegyada, iyo xaqiijinta in muwaadiniintu helaan adeegyo degdeg ah, sugan, isla markaana loo wada siman yahay.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhaqangelinta nidaam mideysan oo isku xira Aqoonsiga Qaranka iyo adeeg-bixinta, isagoo ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay si dhow isaga kaashadaan hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo ammaan ah, la isku halayn karo, isla markaana daboolaya baahiyaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay doorka Aqoonsiga Qaranka ee horumarinta adeegyada dowladda, kobcinta kalsoonida hay’adaha, fududeynta adeegyada maaliyadeed iyo kuwa bulshada, iyo taageeridda isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Hay’adda NIRA ku horumarinayso hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xaqiijiyo adeegyo hufan, casri ah, isla markaana si siman u gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.