Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon. Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon. Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Dowladda Puntland, isagoo Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland.
Wasiirka ayaa si qoto dheer u sharxay ujeeddooyinka xeerka, geeddi-socodka wax-ka-beddelka, baahida keentay dib-u-habaynta xeerkan, iyo saameynta uu ku yeelan karo dhinacyada maamulka iyo dhaqaalaha dowladaha hoose, isagoo xusay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta nidaamka maamul daadejinta ee Puntland.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa dood iyo su’aalo adag ka keenay qodobada xeerka, iyagoo weydiiyay Wasiirka faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan saameynta uu yeelan karo iyo sida loo hubinayo in uu waafaqsan yahay baahiyaha dhabta ah ee maamulka dowladaha hoose.
Kadib dood dheer iyo falanqayn qoto dheer oo Golaha dhex martay, waxaa lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Puntland, si ay u sii dhammaystiraan akhrinta labaad iyo dib u eegista xeerka, iyadoo la raacayo hab-raaca xeer-hoosaadka Golaha.
Guddiga ayaa lagu wargeliyay in ay warbixintooda ku soo celin doonaan Golaha taariikhdu marka ay tahay 4-ta Luulyo 2026, haddii Alle idmo, si loo sii ambaqaado hanaanka sharci dejinta ee xeerkan muhiimka ah.