Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku xirka dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo bini’aadanimada gudaha dalka.
Madashan oo ka dhacday caasimadda, waxaa si weyn uga soo qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya bixinta adeegyada bini’aadanimada iyo gurmadka degdegga ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladaha bini’aadanimada ee ka jira dalka, gaar ahaan saamaynta ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday, fatahaadaha, barakaca bulshada, iyo baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanno badan oo Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo lagu dardargelinayo gaarsiinta gurmadka, si loo hubiyo in gargaarku si hufan oo degdeg ah u gaaro dadka ugu nugul.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka. Waxa uu sheegay in iskaashi dhab ah oo dhex mara dhinacyada kala duwan uu yahay furaha lagu gaari karo xal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha bini’aadanimada ee dalka ka jira.
Sidoo kale, Hoggaamiyuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sameeyo qorshayaal mideysan oo istaraatiiji ah, kuwaas oo lagu xoojinayo ka hortagga musiibooyinka, yareynta saameynta xaaladaha degdegga ah, iyo kor u qaadidda awoodda bulshada ee la tacaalidda dhibaatooyinka soo noqnoqda.
Ugu dambeyn, Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo door weyn ka qaadan doonta xoojinta isku-duwidda hay’adaha kala duwan, isla markaana horseedi doonta in la helo jawaab degdeg ah oo waxtar leh oo ku wajahan baahiyaha bini’aadanimada ee dalka.