Taliyaha NISA oo Balanbal ka Dhagax Dhigay Xero Ciidan oo Cusub

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanbal ee gobolka Galgaduud ka dhagax dhigay xero ciidan oo cusub oo ay yeelan doonto Hay’adda, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo joogitaanka hay’adaha dowladda ee deegaannada Galmudug.

Xeradan cusub ayaa waxaa ka howl geli doona ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA, kuwaas oo loo qorsheeyey inay ka shaqeeyaan sugidda amniga degmada Balanbal iyo deegaannada ku hareeraysan, iyagoo xoojinaya amniga iyo ilaalinta shacabka.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu ballaarinayo xarumaha ciidamada amniga, si loo xoojiyo amniga, kor loogu qaado xasilloonida iyo joogitaanka hay’adaha dowladda ee deegaannada kala duwan.

Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey xaaladda amniga ee gobolka Galgaduud. Intii uu halkaas ku sugnaa, wuxuu kulamo wadatashi ah la yeeshay saraakiisha ciidamada amniga, maamulka deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, kor loogu qaadi lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana loo dardargelin lahaa qorshayaasha lagu sugayo amniga guud ee gobolka.

Safarka Taliyaha Hay’adda NISA ee Galmudug ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga dalka, iyadoo la dhisayo xarumo ciidan, la tayeynayo ciidamada iyo adkeynta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni.