Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga Ka Jaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dhagax Dhigayna Wasaaradda Deegaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo hay’adaha dowladnimo iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalka uu si tartiib tartiib ah uga baxo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, loona gudbo nidaam ku dhisan isku filnaansho qaran. Wuxuu xusay in diiradda la saarayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax-soo-saarka dalka, iyo dhismaha hay’ado awood leh oo si hufan u gudan kara waajibaadkooda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada, horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, taas oo la filayo inay laf-dhabar u noqoto dadaallada dowladda ee la xiriira ilaalinta deegaanka, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada ee arrimaha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ilaalinta deegaanka ay tahay arrin qaran oo muhiim ah, loona baahan yahay iskaashi u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo yareeyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, loona xaqiijiyo horumar waara oo dalka ka hanaqaada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay hay’adaha dowladda ee ku howlan dhismaha iyo tayeynta adeegyada dadweynaha, isaga oo ku boorriyay in la dardargeliyo shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla si loo gaaro Soomaaliya horumarsan oo isku filan.