Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo Shardi Looga Dhigayo Duulimaadyada Gudaha Dalka

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee dadka ku safraya duulimaadyada gudaha dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha duulimaadyada gudaha, kuwaas oo looga hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xaqiijinta aqoonsiga rakaabka ka hor inta aan loo oggolaan inay safraan.

Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixinno iyo xog muujinaya muhiimadda ay leedahay in dhammaan dadka isaga kala gooshaya gobollada dalka lagu xaqiijiyo xogtooda rasmiga ah, iyadoo adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu fududeynayo sugidda amniga, hufnaanta adeegyada iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta.

Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ugu baaqay inay xaqiijiyaan in qof kasta oo tigidh loo jarayo uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isla markaana aan loo oggolaan safar qof aan wadan aqoonsiga rasmiga ah.

Labada hay’adood ayaa sidoo kale caddeeyay inay sii xoojinayaan iskaashiga ka dhexeeya, si loo fududeeyo helitaanka adeegga aqoonsiga. Waxay sheegeen in garoomada diyaaradaha lagu diyaariyay xarumo u gaar ah diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo u sahlaysa dadka dhoofaya ama kasoo degaya garoomada inay si degdeg ah u helaan adeegga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu hirgelinayo nidaam aqoonsi qaran oo casri ah, kaas oo kor u qaadaya amniga, fududeynaya adeegyada dowladda iyo xoojinta kalsoonida lagu qabo aqoonsiga rasmiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.