Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay xuska 66-guurada 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegtay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo, oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kuwaas oo saldhig u noqday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isagoo maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada, midnimada iyo dhismaha qaranka. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.

Munaasabadda, oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa gaarda ka ciyaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo soo bandhigay awooddooda iyo heerka sare ee diyaar-garowgooda. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaarado dagaal, kuwaas oo muujinaya horumarka laga sameeyay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isaga oo ku baaqay in la adkeeyo midnimada, wadajirka iyo difaaca madax-bannaanida dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon, horumarsan, isku filan, isla markaana leh dowladnimo buuxda.