Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay xuska 66-guurada 1-da Luulyo ee Garoowe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa bulshada kala qeyb galay munaasabadda xuska 66-guurada ka soo wareegtay maalinta xorriyadda iyo midowga Soomaaliyeed ee 1-da Luulyo.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay calan-saarka Qaranka, iyadoo Madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo soo bandhigay diyaar-garowgooda iyo habsami u socodka munaasabadda.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in Puntland ay mar walba u taagan tahay taageeridda midnimada Soomaaliya iyo xoojinta hay’adaha qaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliilo u jeediyay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu dalka gelinayo xaalad siyaasadeed oo halis ah isla markaana uu ka shaqeynayo tallaabooyin uu sheegay inay dhaawacayaan wadajirka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shacabka Puntland ay caan ku yihiin difaaca deegaannadooda iyo adkeysiga ay u leeyihiin ka hortagga cid kasta oo gardarro ku soo qaadda. Wuxuu xusay in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay xubnaha goleyaasha, saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka Nugaal iyo degmada Garoowe, waxgarad, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si wadajir ah u xusay qiimaha taariikhiga ah ee maalinta 1-da Luulyo.