Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magaalada Laascaanood kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusay 66-guurada ka soo wareegtay maalinta qaran ee 1-da Luulyo, oo ku asteysan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kuwaas oo horseeday aasaaska Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari, saraakiil, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si wadajir ah u maamuusay munaasabadda qiimaha weyn u leh taariikhda iyo qarannimada Soomaaliyeed.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusay halgankii gobannimada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo xusuusta halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda dalka.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isaga oo xusay in maalintani ay astaan u tahay midnimo, gobannimo iyo wadajir. Wuxuu ku baaqay in la sii xoojiyo isku duubnida bulshada, lana ilaaliyo qiyamka qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed si loo dhiso mustaqbal nabdoon oo horumar leh.