Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kala qeyb galay munaasabadda weyn ee lagu xusay sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kuwaas oo saldhig u noqday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay astaamo ka tarjumaya midnimada, qarannimada iyo horumarka Soomaaliya. Kumannaan shacab ah ayaa ka qeyb galay dabaaldegga, iyagoo lulayay calanka Soomaaliyeed isla markaana muujinayay dareenkooda waddaniyadeed iyo farxadda ay la wadaagayeen munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo.
Intii ay socotay munaasabadda, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoolatus ciidan oo si weyn loo soo diyaariyey, kaas oo lagu muujiyay heerka diyaar-garowga, tayada tababarka iyo awoodda ciidamada ee difaaca dalka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid ciidan, qalab casri ah iyo awoodo kale oo ka tarjumaya horumarka laga sameeyay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isaga oo xusay in maalintani ay astaan u tahay gobannimada, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo isku duubnida shacabka, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo sii ambaqaadidda dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo leh hay’ado qaran oo xooggan.