215,860 Qof oo Iska Diiwaangeliyay Doorashada Galmudug ee Dhici Doonta 20-ka Luulyo

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Dowlad-goboleedka Galmudug la qaban doono 20-ka Luulyo 2026, iyadoo la soo gabagabeeyay wajigii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee loogu diyaar garoobayay doorashada.

Guddigu wuxuu shaaciyay in 215,860 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta, kuwaas oo la filayo inay codkooda ka dhiibtaan doorashada. Tiradan ayaa ka dhalatay ololihii diiwaangelinta ee laga fuliyay deegaannada kala duwan ee Galmudug si muwaadiniinta u helaan fursad ay ugu qeyb qaataan doorashada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka GMDQS, codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay waxay ku kala sugan yihiin labada gobol ee uu ka kooban yahay Galmudug, kuwaas oo kala ah Mudug iyo Galgaduud. Guddigu wuxuu xusay in hawsha diiwaangelintu u dhacday si habsami leh, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah.

GMDQS ayaa sidoo kale sheegay inuu soo gabagabeeyay inta badan diyaar-garowga farsamo ee la xiriira qabashada doorashada, waxaana uu ugu baaqay dhammaan codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay inay ka qeyb qaataan codbixinta maalinta loo asteeyay, iyagoo raacaya tilmaamaha iyo habraacyada uu guddigu dejiyay.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta ee dalka, iyadoo Galmudug ay ka mid tahay dowlad-goboleedyada lagu qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda GMDQS uu soo saaro jadwalka ololaha doorashada, liiska musharraxiinta iyo faahfaahinta kale ee la xiriirta habka codbixinta.

Dhanka kale, shacabka Galmudug ayaa si weyn isha ugu haya qabsoomidda doorashadan, taas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato xoojinta matalaadda shacabka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda ee dowlad-goboleedka.