Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cad uga soo horjeestay aqoonsiga la sheegay in Somaliland ay dhowaan ka heshay Israa’iil, isagoo sheegay in arrintaasi u baahan tahay taxaddar iyo wadatashi ballaaran.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Muuse Biixi ku sheegay inuu hore ugu wargeliyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), in aqoonsigaasi uu ka yimid dhinac u baahan in si qoto dheer looga fiirsado, isla markaana aan laga qaadan go’aan degdeg ah oo saameyn ku yeelan kara masiirka Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay in taladii iyo aragtidii uu ka dhiibtay arrintan aan loo soo bandhigin shacabka, isagoo ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland inay qarisay mowqifkiisii ku saabsanaa aqoonsiga la sheegay.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aannada la xiriira arrimaha masiiriga ah ay u baahan yihiin wadatashi qaran, isla markaana si qoto dheer loo qiimeeyo saamaynta siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo tan amni ee ka dhalan karta.
Dhanka kale, Muuse Biixi ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha gaarka ah ee uu uga soo horjeedo aqoonsiga la sheegay. Ilaa hadda, Madaxtooyada Somaliland kama aysan jawaabin eedeymaha iyo hadallada uu ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dood ka taagan tahay wararka la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed iyo aqoonsiga la sheegay inuu Somaliland ka heshay Israa’iil, iyadoo aan weli la soo saarin war rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaya arrintaas.