Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib ugu Soo Celisay 129 Muwaadin oo Ku Dhibaataysnaa Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Liibiya, kuwaas oo la sheegay in lagu soo badbaadiyay dadaallo ay dowladda ku dooneyso inay ku caawiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban daafaha caalamka.

Diyaaraddii siday muwaadiniintan ayaa 19 qof ka dejisay magaalada Hargeysa, halka 110 qof oo kale laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si ay dib ula midoobaan qoysaskooda iyo ehelladooda.

Soo dhoweynta muwaadiniinta waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, La-taliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Soo Celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Masuuliyiinta ayaa muwaadiniinta dib loogu soo celiyay si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, iyagoo u jeediyay dardaaran iyo wacyigelin ku saabsan khataraha tahriibka iyo muhiimadda ay leedahay in laga fogaado safarrada sharci darrada ah ee nafta halista gelin kara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka kale, iyadoo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo waddamada ay arrintani khusayso, si loo xaqiijiyo dib u soo celintooda iyo badqabkooda.