Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Matteo Piantedosi, oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku yimid dalka.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo iskaashiga labada dal ee la xiriira la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Intii uu kulanka socday, labada dhinac waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga. Heshiiska ayaa qeexaya iskaashi ku saabsan tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, horumarinta hay’adaha amniga, la dagaallanka argagixisada, isdhaafsiga khibradaha iyo xogaha la xiriira amniga, iyo iskaashiga arrimaha socdaalka iyo xuduudaha.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed, isla markaana uu sare u qaadayo wada shaqeynta labada dowladood si looga hortago caqabadaha amni ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Matteo Piantedosi, ayaa caddeeyay in dowladda Talyaanigu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha hay’adaha amniga, tababarka ciidamada iyo xoojinta awoodda dowladda ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.
Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kor u qaadidda xirfadaha iyo tayada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo awooddooda ka hortagga dambiyada, sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka. Sidoo kale, wuxuu sare u qaadi doonaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada, socdaalka sharci darrada ah iyo dambiyada kale ee xuduudaha ka gudba.
Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, isagoo muddo dheer taageero ka geysanayay dib u dhiska hay’adaha dowladda, tababarka ciidamada amniga iyo hirgelinta barnaamijyo lagu xoojinayo nabadda iyo dowlad-dhiska. Heshiiskan is-afgarad ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni iyo amni guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.