Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geerida Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali ay tahay khasaare weyn oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa haldoor qaran oo cimrigiisa u huray u adeegidda diinta Islaamka, nabadeynta bulshada iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door muuqda ka soo qaatay geeddi-socodkii dib u heshiisiinta dalka iyo dadaalladii dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya, isaga oo mar walba ku suntanaa xikmad, dhexdhexaadnimo iyo ka shaqeynta mideynta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee bulshada ku lahaa saameyn wanaagsan, isla markaana si hagar la’aan ah uga qeyb qaatay faafinta diinta Islaamka, wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta nabadda iyo wada noolaanshaha.

Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistiisa, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdowsa, kana cafiyo dhammaan dembiyadiisii. Waxa uu sidoo kale Eebbe uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, culimada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan kaalintii iyo doorkii wax-ku-oolka ahaa ee Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu ku lahaa dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta bulshada, isagoo xusay in taariikhda dalka lagu xusi doono dadaalladii uu u galay nabadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.