Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Baay, Captain Cabdifataax Isxaaq Aadan, Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo, Xeer-ilaaliye Deerow, iyo saraakiil kale ayaa maanta khudbad iyo talooyin amni u jeediyay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyey sugidda amniga magaalada Baydhabo.
Ciidamadan oo ka kala tirsan Booliiska Soomaaliyeed, Nabad-sugidda Qaranka, Boolis Militaro iyo cutubka Haramacad, ayaa la faray inay si adag u adkeeyaan amniga guud ee magaalada, isla markaana ay si hufan oo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ku aaddan ilaalinta nabadgelyada shacabka.
Saraakiisha ka hadlay kulanka ayaa si gaar ah ugu adkeeyay ciidamada muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah, ka hortagga falalka amni darrada, iyo wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha kala duwan ee amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, waxay xuseen in ciidamada loo diyaariyey howlgalka ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga guud, ilaalinta goobaha muhiimka ah, iyo ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah amniga bulshada.
Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in sugidda amniga magaalada Baydhabo ay tahay mudnaanta koowaad, iyagoo sheegay in wada shaqeyn buuxda oo ka dhexeysa shacabka iyo hay’adaha amniga ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu xaqiijin karo nabad waarta.
Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ku booriyay ciidamada inay muujiyaan diyaar garow buuxa, isla markaana ay si xirfad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida magaalada Baydhabo.