Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Seattle

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda weyn ee magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Guddiga Dekedda Seattle. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Dekedda Muqdisho ee lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta adeegyada dekedda.

Markii uu gaaray Dekedda Seattle, Maareeyaha Guud waxaa si diirran u soo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga Dekedda Seattle oo ay ka mid ahaayeen Marwo Hamdi Maxamed iyo Mudane Sam Cho, kuwaas oo uga mahadceliyey booqashadiisa, iyagoo muujiyey sida ay u daneynayaan in la adkeeyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada dekedood.

Intii uu socday kulanka, Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ayaa Guddiga Dekedda Seattle uga warbixiyay horumarka ballaaran ee ka hirgalay Dekedda Muqdisho sannadihii u dambeeyay, isagoo faahfaahin ka bixiyay casriyeynta adeegyada dekedda, kororka awoodda ay u leedahay qabashada maraakiibta waaweyn, dardargelinta howlaha ganacsiga iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dekedda.

Sidoo kale, wuxuu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee Dekedda Muqdisho ku leedahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, fududeynta ganacsiga gudaha iyo dibadda, kordhinta dakhliga dowladda iyo taageeridda isku socodka badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa.

Dhankooda, xubnaha Guddiga Dekedda Seattle ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan maamulka Dekedda Seattle, qaabka ay u maamusho howlaha dekedda, adeegyada casriga ah ee ay bixiso iyo farsamooyinka loo adeegsado horumarinta howlaha gaadiidka badda, amniga dekedaha iyo adeegyada saadka. Waxay sidoo kale la wadaageen waayo-aragnimadooda ku aaddan maamulka dekedaha waaweyn iyo hirgelinta tiknoolajiyada casriga ah ee sare u qaadda tayada adeegyada.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo Dekedda Seattle, iyagoo isku raacay in la dhiso iskaashi rasmi ah oo ah “Dekedo Walaalo ah (Sister Ports Partnership)”, kaas oo saldhig u noqon doona iskaashi waara oo dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo horumarinta dekedaha.

Iskaashigan ayaa diiradda saari doona isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta maamulka dekedaha, tababarro xirfadeed oo loo qabanayo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, iskaashi dhinaca farsamada ah, horumarinta nidaamyada maamulka iyo adeegyada, iyo hirgelinta barnaamijyo lagu kobcinayo tayada iyo awoodda shaqaalaha.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Dekedda Seattle soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dekedood. Waxa uu xusay in iskaashigan uu fursad weyn u yahay Dekedda Muqdisho si ay uga faa’iideysato khibradaha iyo tiknoolajiyada casriga ah ee ay leeyihiin dekedaha caalamiga ah, taasoo sare u qaadi doonta hufnaanta iyo tayada adeegyada dekedda.

Booqashadan ayaa ka tarjumaysa dadaallada socda ee lagu casriyeynayo Dekedda Muqdisho iyo ballaarinta xiriirka ay la leedahay dekedaha caalamiga ah, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo doorka Dekedda Muqdisho ee horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.