Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Marwo Naadiya Maxamed, oo dhowaan booqasho ku timid dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka, xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa iskaashi ballaaran oo wax ku ool ah oo ay hormuud ka yihiin aqoonyahannada iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dibadda ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyay Marwo Naadiya Maxamed, isaga oo ku bogaadiyay guusha ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda heer dowladeed ee dalka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa xusay in doorashadeeda iyo hoggaaminteeda ay tahay guul u soo hoyatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay tusaale u tahay kartida, dadaalka iyo hufnaanta ay Soomaalidu ku kasbadeen kalsoonida bulshada ay la nool yihiin.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in guulaha ay gaaraan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ay sare u qaadayaan sumcadda dalka, isla markaana ay dhiirrigelin u yihiin jiilasha cusub ee Soomaaliyeed si ay uga qayb qaataan hoggaaminta, horumarinta bulshada iyo adeegga dadweynaha.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marwo Naadiya Maxamed ku dhiirrigeliyay inay sii waddo dadaallada ay ku xoojinayso xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku boorriyay inay door muuqda ka qaadato mideynta iyo dhiirrigelinta qurba-joogta Soomaaliyeed si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta maalgashiga, abuurista fursadaha shaqo iyo taageeridda qorshayaasha horumarineed ee dowladda.

Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Naadiya Maxamed, ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo dhoweynta diirran iyo kulanka ay la yeelatay. Waxay sheegtay inay sharaf weyn u tahay inay booqato dalkii hooyo, isla markaana ay markhaati ka noqoto isbeddellada muuqda ee dhinacyada amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska caasimadda Muqdisho.

Marwo Naadiya ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana ay dhiirrigeliso kaalinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dalka. Waxay xustay in bulshada Soomaaliyeed ee dibaddu ay leeyihiin aqoon, khibrad iyo awood ay wax weyn uga tari karaan dib u dhiska Soomaaliya, haddii la helo iskaashi iyo qorshe mideysan.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka dowladda iyo qurba-joogta Soomaaliyeed, si looga faa’iideysto aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo maalgashigooda, loona dardargeliyo geeddi-socodka horumarka, dowlad-dhiska iyo koboca dhaqaalaha dalka.