Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Martigelisay Shir Lagu Dardargelinayo Isku-duwidda Hay’adaha Dowladda

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Guutaale, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ujeeddadiisu ahayd xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Furitaanka kulanka, Mudane Xamza Aadan Haadow ayaa Agaasimayaasha Guud ku soo dhoweeyey shirka, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow iyo isku-duwid hufan oo u dhexeeya hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo waxqabad mideysan.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatax, ayaa soo jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda. Bandhiggu wuxuu sharraxay doorka Wasaaradda ee isku-duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta habraacyada diblomaasiyadeed marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.

Gabagabadii kulanka, Agaasimayaasha Guud ee ka soo qaybgalay ayaa si weyn u soo dhaweeyey bandhigga, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay u hoggaansamaan habraacyada iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee lagu maareeyo hawlaha rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.