Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay goobta ku sugnaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, saraakiil ciidan, maamulka gobolka iyo degmada, odayaal dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdigiisa ayaa ka tarjumeysa xiriirka wanaagsan, iskaashiga joogtada ah iyo wada-shaqeynta dhow ee ka dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo dhowaan dib loogu doortay hoggaanka maamulka. Munaasabadda caleema-saarka ayaa la filayaa inay kasoo qeybgalaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda Dowlad-goboleedyada dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka, mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee munaasabaddan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka. Waxa kale oo ay caddeyn u tahay sida ay madaxda Soomaaliyeed uga go’an tahay adkeynta midnimada, iskaashiga, is-fahamka iyo wadajirka, kuwaas oo saldhig u ah horumarka, nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda ka qeybgalaysa munaasabadda, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga dhinacyada maamulka, horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka ee u dhexeeya Gobolka Banaadir iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka dowladeed iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha kala duwan ee dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in la mideeyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarka waara ee Soomaaliya.