Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo ay weheliyaan wafdi ballaaran oo Xildhibaano ah, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdigan heerka sare ah ayaa ka yimid magaalada Muqdisho, iyagoo u socda ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay sidoo kale goobta joogeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, saraakiil dowladeed, Odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdiga ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dalka.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doona xafladda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo lagu wado inay si rasmi ah u qabsoonto maalmaha soo socda.
Munaasabaddan ayaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, wakiillo ka socda beesha caalamka, mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.
Ka qeybgalka wafdiga Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee munaasabaddan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.