Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Xarunta Dowladda Hoose ee SeaTac

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada SeaTac.

Maareeyaha waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyey Duqa Magaalada SeaTac, Mudane Maxamed Cigaal, iyadoo labada dhinac ay yeesheen kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka hay’adaha dowliga ah iyo iskaashiga heer deegaan iyo heer caalami.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin is-weydaarsiga khibradaha maamulka iyo dowlad-wanaagga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo gaar ahaan iskaashiga la xiriira maamulka iyo horumarinta dekedaha. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa fursado wada-shaqeyn oo wax ku ool ah oo u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo hay’adaha iyo xarumaha maamulka ee gobolka Seattle.

Maareeye Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada SeaTac soo dhoweynta diirran iyo fursadda uu u siiyay in lagu falanqeeyo arrimo muhiim u ah horumarinta adeegyada dadweynaha iyo isku xirnaanta ganacsiga iyo maalgashiga.

Dhankiisa, Duqa Magaalada SeaTac, Mudane Maxamed Cigaal, ayaa soo dhoweeyay booqashada Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ku joogo magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga la xiriira dekedaha iyo ganacsiga.