Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo ay wehelinayaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS, ayaa maanta guddoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayay xaaladda amniga guud ee deegaannada waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay saraakiil sare oo ka socotay Taliska Guud ee Ciidanka XDS, saraakiisha hoggaamisa ciidamada ku sugan furimaha hore, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay dardargelinta howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, iyo isku dubbaridka qorshayaasha lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah deegaannada gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka XDS ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan furimaha hore, kuwaas oo si qoto dheer uga xog warramay xaaladda amni ee guud, guulaha laga gaaray howlgalada socda, iyo caqabadaha jira, iyo sidoo kale qorshayaasha mustaqbalka ee lagu sii xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Amb. Axmed Macalin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka iyo geesinimada ay muujiyaan ciidamada qalabka sida, iyagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, mas’uuliyiintu waxay ciidamada ku adkeeyeen in ay sii laba jibaaraan howlgalada socda, ayna sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah loona xaqiijiyo amni waara iyo badbaado buuxda oo shacabka Soomaaliyeed helaan.