Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo uu uga qeyb galayo munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, saraakiil amni, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa muujisay muhiimadda siyaasadeed iyo midda dowladnimo ee uu leeyahay safarkiisa, iyadoo magaalada Baydhabo ay maalmahan si weyn ugu diyaar garoobeyso martigelinta munaasabadda caleema-saarka oo ah mid ay ka soo qeyb galayaan madaxda ugu sarreysa dalka iyo marti sharaf kala duwan.

Munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay noqoto mid taariikhi ah, isla markaana ka tarjumaysa marxalad cusub oo dhanka maamulka iyo siyaasadda ah oo uu galayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Inta ay socoto munaasabaddan, waxaa la filayaa in Baydhabo ay isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka, diblomaasiyiin caalami ah, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, taas oo kor u qaadaysa muhiimadda siyaasadeed ee dhacdadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu khudbad muhiim ah ka jeediyo munaasabadda, taas oo uu ku faahfaahin doono aragtida Dowladda Federaalka ee ku aaddan dowlad-dhiska, amniga, wada-shaqeynta maamul-goboleedyada iyo xoojinta midnimada dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid muujinaya sida Dowladda Federaalka ay u taageersan tahay hanaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeynayo iskaashiga labada dhinac.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan wajahaysa diyaargarow ballaaran oo amni iyo mid maamul, si loo xaqiijiyo in munaasabadda caleema-saarka ay si nabad ah oo habsami leh u qabsoonto.