Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Mesagaway ee gobolka Galgaduud.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso howlgalada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo mas’uuliyiintu ay si toos ah ugu kuurgalayeen xaaladda ciidamada, heerka diyaar-garowgooda iyo baahiyaha ka jira jiidaha hore ee dagaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada ku bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo howlgalada lagu sugayo amniga. Wuxuu ku dhiirrigeliyey ciidamada inay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu dardargelinayo howlgalada, isla markaana ay adkeeyaan cadaadiska lagu saarayo kooxda Al-Shabaab si looga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay garab istaagga ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalada ay ka dhasheen geesinimada ciidamada iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku boorriyey inay ilaashadaan feejignaanta, adkeeyaan wadajirka iyo anshaxa ciidamada, isla markaana sii wadaan howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka, dib u soo celinta adeegyada dowladda iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad iyo xasillooni.
Intii ay ku sii jeedeen deegaanka Mesagaway, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii maray deegaanka Howlcaduur, halkaas oo ay kulan kula yeesheen waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa bulshada uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, iyagoo ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan sugidda amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya shacabka iyo ciidamada.
Kormeerkan ayaa imaanaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya sii wadaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan gobollada bartamaha dalka.