Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu casriyeynayo maamulka iyo adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan, madaxda qeybaha farsamada, iyo saraakiil ka socotay shirkad gaar ah oo qeyb ka ah hirgelinta mashruuca dijitaaleynta ee ay taageerto Hay’adda UNOPS. Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in la dardargeliyo qorshayaasha la xiriira hirgelinta nidaamyada casriga ah ee lagu horumarinayo maamulka xogta, keydinta dukumiintiyada, isku xirka adeegyada gudaha Wasaaradda, iyo kor u qaadista tayada adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loogu soo bandhigay qorshayaasha iyo nidaamyada cusub ee lagu mideynayo habraacyada shaqada, laguna dhisayo hannaan casri ah oo suurtagelinaya in xogaha muhiimka ah ee Wasaaradda si ammaan ah loo kaydiyo, loo maareeyo, isla markaana si sahlan loogu wadaago waaxyaha ay quseyso. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay sida tiknoolajiyadda casriga ahi uga qeyb qaadan karto dedejinta adeegyada, yareynta isticmaalka waraaqaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta hay’adda.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in dowlad casri ah ay ku dhisan tahay adeegyo dhijitaal ah oo hufan, kuwaas oo awood u leh inay sare u qaadaan waxqabadka hay’adaha dowladda, isla markaana fududeeyaan helitaanka adeegyada dadweynaha. Wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamyo casri ah oo waafaqsan qorshaha dowladda ee isbeddelka dhijitaalka ah iyo horumarinta maamulka dowladeed.
Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in adeegyada dhijitaalka ahi ay laf-dhabar u yihiin tayeynta hab-maamulka, kor u qaadista hufnaanta iyo daahfurnaanta, ilaalinta iyo keydinta sharciyada dalka, dedejinta habraacyada shaqo, iyo sare u qaadista tayada adeegyada ay Wasaaraddu bixiso. Wuxuu xusay in hirgelinta nidaamyadan ay gacan weyn ka geysan doonto yareynta caqabadaha dhinaca maamulka, isla markaana ay sare u qaadi doonto kalsoonida shacabka ee adeegyada dowladda.
Gabagabadii kulanka, Xoghayaha Joogtada ah ayaa faray Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso inay si dhow ula shaqeeyaan bahda farsamada ee mashruuca, ayna dardargeliyaan hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah si loo xaqiijiyo in Wasaaraddu yeelato nidaamyo casri ah oo waxtar leh, ammaan ah, isla markaana u adeegaya baahiyaha muwaadiniinta. Wuxuu ku boorriyay dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda inay qaataan isbeddelka dhijitaalka ah, iyagoo ka qeyb qaadanaya hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu casriyeynayo hay’adda.