Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS oo Ka Qayb Galay Shirkii Caalamiga ahaa ee Wadahadalka Maamulidda Caqliga Macmalka ah

Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa ka qayb galay Shirka Wadahadalka Caalamiga ah ee Maamulidda Caqliga Macmalka ah (Artificial Intelligence – AI), oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan heerkiisu sarreeyo, oo uu si rasmi ah u furay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa isugu yimid wasiirro, madax sare oo dowladeed, khubaro caalami ah oo ku xeel dheer teknoolojiyadda, hoggaamiyeyaasha shirkadaha hal-abuurka, iyo wakiillo ka kala socday dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan caalami ah oo mideysan oo lagu maamulo horumarka degdegga ah ee Caqliga Macmalka ah, iyadoo la ilaalinayo amniga, xuquuqda aadanaha, hal-abuurka iyo horumarka waara.

Wasiir Maxamed Aadan Macalin ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku iftiimiyey muhiimadda ay AI u leedahay horumarinta dowladnimada casriga ah, isagoo sheegay in tiknoolojiyaddan ay tahay fursad weyn oo wax ka beddeli karta habka dowladuhu u bixiyaan adeegyada dadweynaha, u horumariyaan dhaqaalaha, u kobciyaan hal-abuurka, isla markaana u dardargeliyaan isbeddelka dhijitaalka ah. Wasiirku wuxuu xusay in AI ay door muuqda ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maaliyadda, amniga, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in, inkastoo AI ay xambaarsan tahay fursado waaweyn, haddana ay lama huraan tahay in horumarkeeda lagu hago hannaan maamul oo ku saleysan iskaashi caalami ah, isla xisaabtan, daahfurnaan iyo kalsooni. Wuxuu tilmaamay in dunidu u baahan tahay siyaasad mideysan oo xaqiijinaysa in tiknoolojiyaddan loo adeegsado danaha bulshada, isla markaana laga hortago khataraha ka dhalan kara isticmaalkeeda aan nidaamsanayn.

Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa sidoo kale soo bandhigay caqabadaha ay wajahaan dalalka soo koraya, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, isagoo sheegay in dalalkan ay weli la tacaalayaan arrimo ay ka mid yihiin kaabeyaasha dhijitaalka ah oo xaddidan, helitaanka tamar joogto ah, tayada iyo helitaanka xogta, maalgelinta tiknoolojiyadda, iyo kobcinta xirfadaha la xiriira AI. Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, lana kordhiyo maalgelinta, tababarrada iyo wareejinta aqoonta si dhammaan dalalku ay si siman uga faa’iidaystaan fursadaha ay bixiso tiknoolojiyaddan casriga ahi.

Wasiirka ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta deegaanka dhijitaalka ah ee dalka, iyadoo la dhisayo siyaasado iyo sharciyo waafaqsan heerarka caalamiga ah, lana dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo maalgelinta teknoolojiyadda. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso diyaarinta xirfadlayaal Soomaaliyeed oo awood u leh inay ka faa’iidaystaan fursadaha cusub ee AI, isla markaana ay door firfircoon ka qaataan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Intii uu shirku socday, wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madax iyo wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, dowlado saaxiib ah iyo bahwadaagta horumarinta, kuwaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta, tiknoolojiyadda, horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah, iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha nidaamyo casri ah oo lagu maamulo Caqliga Macmalka ah.

Gabagabadii, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta caalamka si loo dhiso hannaan maamul oo ku saleysan kalsooni, amni, hufnaan iyo loo-dhanyahay, kaas oo xaqiijinaya in Caqliga Macmalka ahi u adeego horumarka waara, kobaca dhaqaalaha iyo danta guud ee bulshada.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan caalamiga ah, oo ah markii ugu horreysay ee la qabto, ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee dalka ku leeyahay doodaha iyo go’aan-qaadashada heer caalami ee la xiriira maamulka Caqliga Macmalka ah. Sidoo kale, waxa uu caddeyn u yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta joogitaankeeda madalaha caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada dejinta siyaasadaha iyo hannaannada hagaya mustaqbalka teknoolojiyadda iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee dunida.