Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay Dugsiga Xannaanada Carruurta ee Maxamuud Mire

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay Dugsiga Xannaanada Carruurta ee Maxamuud Mire, kaas oo laga hirgelinayo Degmada Waaberi. Dhismaha dugsigan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku ballaarinayo adeegyada waxbarashada iyo horumarinta kaabeyaasha bulshada ee Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Agaasinka Waxbarashada Dowladda Hoose ee Muqdisho, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal uu ku sheegay in maamulka uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta waxbarashada, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo bulsho aqoon leh, jiil karti badan iyo caasimad horumarsan.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in dugsigan cusub uu noqon doono xarun waxbarasho oo carruurta Soomaaliyeed u horseedi doonta waxbarasho tayo leh, deegaan ammaan ah iyo jawi ku habboon kobcinta aqoontooda iyo anshaxooda. Wuxuu tilmaamay in carruurtu ay yihiin rajada iyo mustaqbalka dalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la abuuro goobo waxbarasho oo casri ah oo daboolaya baahiyahooda.

Dr. Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkii u dambeeyay dardargeliyay hirgelinta mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka iyo bilicda caasimadda, isagoo xusay in dhammaan mashaariicdaasi ay qayb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu tayeynayo adeegyada loo fidiyo shacabka.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maalgelinta waxbarashada carruurta ay tahay maalgelinta ugu qiimaha badan ee loo sameyn karo mustaqbalka dalka, maadaama aqoontu ay saldhig u tahay horumarka dhaqaale, xasilloonida bulshada iyo dhismaha dowladnimo waarta. Wuxuu sheegay in maamulka uu sii wadi doono hirgelinta xarumo waxbarasho oo dheeraad ah si loo kordhiyo fursadaha ay carruurtu ku heli karaan waxbarasho tayo leh.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay bulshada, ganacsatada iyo bahwadaagta horumarinta inay ka qayb qaataan dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo adeegyada bulshada, isagoo xusay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu muhiim u yahay xaqiijinta horumar waara.

Gabagabadii munaasabadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay dhammaan masuuliyiinta iyo bahda farsamada ee ka shaqeyn doonta hirgelinta mashruucan, isagoo muujiyay rajo ah in dugsiga Maxamuud Mire uu noqon doono xarun waxbarasho oo door muuqda ka qaadata tayeynta waxbarashada carruurta Degmada Waaberi iyo guud ahaan Caasimadda Muqdisho.

Dhismaha Dugsiga Xannaanada Carruurta ee Maxamuud Mire ayaa ka mid ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu ballaarinayo xarumaha waxbarashada, laguna xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dhismaha jiil aqoon leh oo hoggaamin kara horumarka iyo mustaqbalka dalka.