Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee JSP oo Dhuusamareeb ka Daahfuray Ololaha Doorashada Qof iyo Cod

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu si rasmi ah uga daahfuray ololaha doorashada qof iyo codka ee Ururka JSP.

Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan hoggaanka ururka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Amniga iyo Difaaca ee JSP, Sen. Iftiin Xasan Iimaan (Baasto), Lataliyaha Sharciga ee Ururka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, Agaasimaha Guud ee Ururka Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Ashcari), Sen. Zamzam Daahir Maxamuud, Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka ahna Madaxa Fanka, Suugaanta iyo Wacyigelinta Muna Cumar Xasan, iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada Hani Cabdi Gaas (Kur-Libaax).

Masuuliyiinta wafdiga ayaa kulan la yeeshay xubnaha iyo taageerayaasha Ururka JSP ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo kala hadlay qorshaha ururka ee ku aaddan ka qaybgalka doorashooyinka qof iyo codka, muhiimadda abaabulka bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa doorka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), ayaa sheegay in daahfurka ololahan uu astaan u yahay diyaar-garowga buuxa ee ururku ugu jiro ka qaybgalka doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan deegaannada Galmudug. Wuxuu xusay in ururku uu kalsooni ku qabo taageerada shacabka, isla markaana uu bulshada u soo bandhigi doono barnaamij siyaasadeed oo diiradda saaraya caddaaladda, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.

Sidoo kale, masuuliyiinta ururka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu si firfircoon uga qaybqaataan doorashooyinka qof iyo codka, maadaama ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo matalaad dhab ah iyo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Ururka JSP ayaa sheegay inuu si heer sare ah ugu diyaar-garoobay ka qaybgalka doorashooyinka qof iyo codka ee la filayo inay ka qabsoomaan Galmudug, isagoo xoogga saaraya abaabulka bulshada, wacyigelinta codbixiyeyaasha, tababarrada xubnaha ururka, iyo xoojinta taageerada siyaasadeed ee uu ka helayo bulshada.

Daahfurka ololaha doorashada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa qayb ka ah socdaallo iyo kulamo isdaba joog ah oo hoggaanka Ururka JSP ka wadaan deegaannada kala duwan ee dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka ururka iyo bulshada, laguna dardargelinayo u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ee soo socda.