Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagaya liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadda ee u qalma ka qaybgalka doorashooyinka isku-sidkan ee lagu qabanayo Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la raacayo shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka ee dalka u yaalla.
Shaacinta liiskan ayaa qayb ka ah waajibaadka dastuuriga ah iyo sharciyeed ee Guddiga, kaas oo ku saleysan xaqiijinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka geeddi-socodka doorashooyinka. Guddigu wuxuu caddeynayaa in dhammaan ururrada siyaasadeed ee ku jira liiskan ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ka qaybgalka doorashooyinka, isla markaana ay mareen habraacyadii diiwaangelinta iyo xaqiijinta ee uu dejiyey Guddigu.
Doorashooyinka isku-sidkan ee Galmudug ayaa lagu wadaa inay noqdaan tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadda, laguna hirgelinayo hannaan doorasho oo ku saleysan matalaadda shacabka iyo tartan siyaasadeed oo xor iyo xalaal ah. Guddigu wuxuu ku dhiirrigelinayaa dhammaan ururrada siyaasadda inay u hoggaansamaan xeerarka doorashada, ilaalinta anshaxa ololaha, iyo dhowrista nabadda iyo wadajirka bulshada inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan codbixiyeyaasha ku dhaqan Dowlad-goboleedka Galmudug, inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan rabitaanka shacabka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu xaqiijinayaa inuu si siman ula dhaqmi doono dhammaan ururrada siyaasadda, isagoo ilaalinaya mabda’a sinnaanta fursadaha, hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo ku dhaqanka sharciga. Guddigu wuxuu sidoo kale sii wadi doonaa la socodka iyo kormeerka dhammaan marxaladaha doorashooyinka si loo hubiyo in geeddi-socodku u dhaco si xor, caddaalad ah, ammaan ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu bulshada ku wargelinayaa in liiskan uu yahay liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashooyinka isku-sidkan ee Dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo ku boorrinaya dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan hirgelinta doorashooyin hufan, daahfuran, nabdoon oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.