Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale iyo degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta xaaladda ciidamada ku sugan furimaha hore, dhiirrigelinta askarta, iyo u kuurgalidda howlaha amni ee ay ciidamada ka wadaan deegaannadaasi, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa ciidamada uga mahadceliyey dadaalka, geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujinayaan, isagoo sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin daciifnimada sii kordheysa ee kooxaha argagixisada iyo awoodda ciidamada qaranka.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadidda howlgalada dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada ah, ilaa laga xaqiijinayo in dhammaan deegaannada ay ku sugan yihiin laga soo celiyo gacanta dowladda, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasillooni waarta.
Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, feejignaantooda iyo adkeysigooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo isku duubnida ciidamada qaranka inta lagu jiro howlgallada lagu difaacayo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan howlgalada socda, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan feejignaanta, isku xirnaanta iyo diyaar-garowga si loo gaaro guulo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sii wadidda howlgalada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay diyaar u yihiin inay gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha hore, dardargelinta howlgalada amniga iyo xaqiijinta nabadgelyada guud ee dalka.