Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), halkaas oo lagu maamuusay habraaca milatari ee lagu soo dhaweeyo saraakiisha sare ee ciidamada dalalka saaxiibka ah. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saf sharaf u sameeyay wafdiga Turkiga, taas oo muujisay xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada ciidan.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, tababarrada ciidamada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga ayaa muddo dheer ahayd saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ka taageera dib u dhiska hay’adaha amniga, iyadoo door muuqda ka qaadatay tababarka kumannaan askari oo Soomaaliyeed, bixinta qalab ciidan, kobcinta xirfadaha saraakiisha iyo taageeridda howlaha lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.
Labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo rasmi ah oo looga hadlayo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, is-dhaafsiga khibradaha, tababarrada ciidamada iyo qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xoojinayo la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga dalka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u eegaan guulaha laga gaaray iskaashiga difaaca ee sannadihii la soo dhaafay, isla markaana ay isla meel dhigaan qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Turkiga ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la filayo inay horseeddo iskaashi dheeraad ah oo wax ku ool u noqda amniga, xasilloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.