Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Ciidamada Fartay inay Galaan Heegan Buuxa

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay Ciidamada Qalabka Sida inay galaan heegan buuxa, iyadoo la xoojinayo u diyaar-garowga amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Amarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu adkeynayo amniga, kor loogu qaadayo feejignaanta ciidamada, isla markaana lagu dardargelinayo howlgalada socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan cutubyada kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida inay si buuxda u fuliyaan awaamiirta la siiyay, isla markaana ay u diyaar garoobaan waajibaad kasta oo amni oo loo igmado.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda sii xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, iyadoo dowladda ay hore u shaacisay inay laba jibbaareyso dadaallada lagu ciribtirayo kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta rasmiga ah ee keentay amarka heeganka buuxa, hase yeeshee waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo arrintan la xiriira.