Dowladda Turkiga ayaa tababar u soo xirtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo la filayo inay door hoggaamineed ka qaataan howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa lagu qabtay xarun tababar ciidan, iyadoo ay ka qeyb galeen saraakiil sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Turkiga. Saraakiisha ayaa muddadii tababarku socday la siiyay aqoon iyo xirfado la xiriira hoggaaminta ciidamada, qorsheynta howlgallada, maamulka dagaalka iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo lagu xoojinayo tayada iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed.
Saraakiisha tababarka dhammaystay ayaa la filayaa inay hoggaamiyaan cutubyo ka qeyb qaadan doona howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay sii xoojin doonto iyadoo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ah.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo tayeynta ciidamada, iyadoo kumannaan askari iyo saraakiil Soomaaliyeed ay tababaro kala duwan ku soo qaateen xarumaha ay Turkigu maalgeliyo.