Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil-xigeenno si guul leh u soo dhammaystay sanadkoodii waxbarashada ciidan ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM.
Munaasabadda ayaa waxaa qayb ka ahaa dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u soo bandhigeen saraakiisha cusub, saraakiil-xigeennada iyo cutubyadii ay mustaqbalka hoggaamin doonaan. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka, adkaysiga iyo anshaxa ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiishan ay yihiin hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyey inay waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay, si ay uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan qaran oo xirfad iyo karti leh, awoodna u leh xaqiijinta amniga, difaaca madaxbannaanida dalka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha ciidamada. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaatay dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo casri ah, kana jawaabi kara waajibaadka culus ee horyaalla dalka.