Xildhibaan Ileys Sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaan Ileys Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowladda Galmudug, halkaas oo loogu sameeyey soo dhoweyn ballaaran oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Galmudug, guddoomiyeyaasha degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, saraakiil ka tirsan laamaha amniga, waxgarad, odayaal dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo bulshada rayidka ah.

Mas’uuliyiintii soo dhaweysay ayaa xildhibaanka iyo wafdigiisa ku bogaadiyey booqashada ay ku yimaadeen Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in booqashadu ay qeyb ka tahay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, Xildhibaan Ileys Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan Madaxweynaha Galmudug, golayaasha dowladda, maamulka gobolka Galgaduud, maamulka degmada Dhuusamareeb, waxgaradka iyo qeybaha bulshada. Kulamadaas ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha amniga, dib u heshiisiinta, horumarinta adeegyada bulshada, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Galmudug.

Sidoo kale, wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarumo dowladeed iyo goobo laga fulinayo mashaariic horumarineed, si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee magaalada iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay magaalada Dhuusamareeb martigelinayso kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo muhiim ah, waxaana la filayaa inay door ka qaadato xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Galmudug.