Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu casriyeynayo hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada ay u fidiyaan shacabka.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, mas’uuliyiin kale oo dowladda ah iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama ay hormuud u tahay horumarinta ganacsiga, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, soo jiidashada maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan, kaas oo fursado u abuuri kara ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xarunta Wasaaradda ay ahayd dhisme muddo ku dhow nus qarni jiray, islamarkaana ay ka muuqatay gabow iyo dayac u baahnaa in wax laga qabto. Waxa uu tilmaamay in dib-u-dhiska xaruntaasi uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo shaqada Wasaaradda, laguna horumarinayo adeegyada ay u hayso bulshada.

“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-habaynta iyo casriyeynta xarumaha hay’adaha dowladda, si loo dardargeliyo adeegyada loo hayo shacabka, korna loogu qaado hufnaanta shaqada dowladda.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u jihaysatay waddadii horumar dhaqaale iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, isagoo xusay in la filayo in dalka ay ka hirgalaan warshado cusub oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed iyo maalgashadeyaal caalami ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha.

“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, dadaalka uu ku hirgeliyey mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo sare u qaadeysa awoodda Wasaaradda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana qeyb ka noqon doonta dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.