Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya oo Daah-furay Mashruuca Koronto-gelinta Xarumo Caafimaad iyo Waxbarasho

Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo uu weheliyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuca koronto-gelinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee deegaanka.

Mashruucan oo lagu hirgeliyey iskaashi u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ujeeddadiisu tahay in koronto joogto ah oo bilaash ah la gaarsiiyo xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, si loo xoojiyo tayada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan xarumaha caafimaadka oo heli doona koronto joogto ah si ay u sii wadaan adeegyada muhiimka ah, iyo goobaha waxbarashada oo iyaguna ka faa’iideysan doona jawi waxbarasho oo wanaagsan.

Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucani ay ka tarjumeyso dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo tayeynta kaabeyaasha muhiimka u ah nolosha shacabka. Waxa uu xusay in korontada la gaarsiinayo xarumahaasi ay door weyn ka qaadan doonto kor u qaadidda adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhankiisa, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto mashaariicda lagu ballaarinayo helitaanka tamarta, gaar ahaan goobaha bixiya adeegyada muhiimka ah, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo tayo leh.

Mashruuca ayaa la filayaa inuu saameyn togan ku yeesho nolosha bulshada deegaanka, isagoo gacan ka geysan doona horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isla markaana xoojin doona dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha bulshada ee deegaannada dalka.