Wasaaradda Warfaafinta iyo SATTA oo Iskaashi ku Xoojinaya Dalxiiska iyo Adeegyada Safarka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska iyo Duulimaadyada Soomaaliyeed (SATTA), iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo SATTA, si loo horumariyo dalxiiska dalka, kor loogu qaado adeegyada duulimaadyada iyo socdaalka dalxiisayaasha, isla markaana Soomaaliya loogu suuqgeeyo inay tahay dal leh goobo dalxiis oo hodan ah iyo fursado maalgashi.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si loo horumariyo warshadaha dalxiiska, loona abuuro jawi dhiirrigeliya maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Mas’uuliyiinta SATTA ayaa dhankooda soo bandhigay qorshayaal iyo talooyin ku saabsan horumarinta adeegyada dalxiiska iyo duulimaadyada, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay dowladda kala shaqeeyaan dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya iyo kor u qaadidda sumcadda dalka ee caalamka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac, lana dardargeliyo qorshayaasha lagu horumarinayo dalxiiska iyo adeegyada la xiriira safarka iyo duulimaadyada, si Soomaaliya ay u noqoto meel soo jiidata dalxiisayaasha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah.