Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi iyo tiiraanyo qoto dheer u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, shacabka iyo dowladda Qatar, kaddib geerida ku timid Amiirkii Aabbaha ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani, oo geeriyooday isagoo 74 jir ah.
Madaxweynaha ayaa qoraal tacsi ah ku muujiyay sida uu uga xun yahay geerida hoggaamiyihii hore ee Qatar, isagoo ku tilmaamay Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani inuu ahaa hoggaamiye door muuqda ka soo qaatay horumarka iyo casriyeynta Dowladda Qatar, isla markaana ka shaqeeyay xoojinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Amiirka Dowladda Qatar, qoyska reer Aal Thaani iyo guud ahaan shacabka walaalaha ah ee Qatar, isagoo Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkiisa iyo shacabka Qatarna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo iskaashi soo jireen ah oo ku saleysan is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh, iyadoo Dowladda Qatar ay ka mid tahay dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, kana taageera dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar xilligan murugada leh, isla markaana ay la qeybsaneyso tacsi iyo baroor-diiqda geerida ku timid Amiirkii Aabbaha ee Dowladda Qatar.