Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti, Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Soo dhoweynta ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale. Booqashadan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka iyo iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada amniga, tababarrada, isdhaafsiga khibradaha iyo la dagaallanka dambiyada iyo argagixisada.
Labada taliye ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo looga arrinsanayo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta ciidamada booliska ee Soomaaliya iyo Jabuuti, si kor loogu qaado amniga gobolka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
Booqashada wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti ayaa ka tarjumeysa xiriirka dhow iyo wada-shaqeynta taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha fulinta sharciga.