Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Abiye Ahmed Ali, ayaa maanta gaaray magaalada Doha, ee caasimadda Dowladda Qatar, si uu uga qeybgalo salaadda janaasada Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani, oo ah Aabbaha Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.
Qoraal rasmi ah oo lagu daabacay barta X ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in booqashada Abiye Ahmed ay tahay mid muujinaysa xiriirka qotada dheer ee saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ee muddooyinka badan ka dhexeeyay dalalka Itoobiya iyo Qatar. Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale muujisay inay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar xilligan ay ku jiraan murugada geerida ku timid hoggaamiyihii hore ee dalkaas.
Qoraalka ayaa lagu xusay in ka qeybgalka Ra’iisul Wasaare Abiye ee munaasabadda janaasadu uu yahay xushmad loo hayo dhaxalka siyaasadeed iyo hoggaamineed ee uu ka tegay Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani, oo lagu tilmaamay hoggaamiye door weyn ka qaatay horumarka casriga ah ee Qatar, xoojinta dhaqaalaha dalkaas iyo kobcinta doorkiisa diblomaasiyadeed ee gobolka Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Sheekh Xamad uu ahaa hoggaamiye raad muuqda ku reebay geeddi-socodka horumarinta Qatar, isagoo hormuud u noqday isbeddello waaweyn oo dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ah. Intii uu hoggaanka dalka hayay, Qatar waxay noqotay dal saameyn weyn ku leh arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed ayaa la filayaa inuu inta uu ku sugan yahay Doha tacsi u gudbiyo Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, xubnaha qoyska boqortooyada iyo shacabka Qatar, isagoo muujinaya sida Itoobiya ay uga xun tahay geerida hoggaamiyahan.
Dhanka kale, munaasabadda salaadda janaasada ayaa waxaa ka qeybgalaya madax badan oo ka kala socda dalalka Carabta, Afrika iyo caalamka, kuwaas oo u tegay Doha inay tacsi u muujiyaan Dowladda Qatar iyo qoyska reer Aal Thaani. Ka qeybgalka hoggaamiyeyaashaasi ayaa ka tarjumaya kaalinta weyn ee uu Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ku lahaa siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah muddadii uu hoggaanka dalka hayay.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed ayaa sidoo kale loo arkaa mid sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta ee u dhexeeya Itoobiya iyo Qatar, iyadoo labada dal ay sanadihii u dambeeyay yeesheen wada-shaqeyn sii ballaaran oo ku saabsan arrimo badan oo dan wadaag a