Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo Saxiixday Buugga Tacsida Amiirkii Hore ee Qatar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Alle ha u naxariistee Sheekh Xamad Bin Khaliifa, xilli ay booqasho rasmi ah ku joogtay Safaaradda Dowladda Qatar ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Munaasabadda saxiixa buugga tacsida ayaa ahayd mid lagu muujinayay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula qeybsanayso Dowladda iyo shacabka Qatar murugada ka dhalatay geerida marxuumka, iyadoo Wasiir Khadiija ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay Amiirka Dowladda Qatar, dowladda iyo dhammaan shacabka walaalaha ah ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay geerida marxuumka mid murugo leh, waxayna Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa, hoggaanka iyo shacabka Qatarna ka siiyo samir iyo iimaan.

Khudbad ay halkaasi ka jeedisay, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xustay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay muddo dheer garab taagnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka soo maray. Waxay tilmaantay in Qatar ay door muuqda ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, mashaariicda horumarinta, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, taasoo sii xoojisay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Waxay sidoo kale sheegtay in ka qeybgalka iyo saxiixa buugga tacsida uu yahay astaan muujinaysa xiriirka walaaltinimo, iskaashiga dhow iyo ixtiraamka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Munaasabadda waxaa Wasiirka ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyagoo si wadajir ah uga duceeyay marxuumka, kana baryay Alle inuu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, halka ehelka, Dowladda iyo shacabka Qatar uu ka siiyo samir iyo iimaan.